Madaxweyna Turkiga oo fashilay Natiijada Shirka London

0
325

Madaxweynaha dalka Turkiga ayaa war lama filaan ah ka soo saaray shirka Magaalada Landon lagu qabanayo 11 Bishan.

Recep Tayyip Erdoğan Madaxweynaha Turkiga waxaana uu sheegay in shirkaas aanay kasoo bixi doonin natiijo wanaagsan oo wax u tareysa shacabka iyo dowlada Soomaaliye.

Wuxuu sheegay in dhamaan dalalka Reer Galbeedka ay haatan indhaha oo kaliya ay ka daawanayaan dhibta iyo abaarta ka jirta Soomaaliya.

Madaxweyne Erdoğan ayaa carabaabay in Dowladiisay ay ku dadaalayso sidii loo samato bixin lahaa malaayiinka Qof ee abaarta ay ku heysato Gudaha Dalka Soomaaliya.

Shirka Soomaaliya 11-ka bishaan loogu qabanayo London ayuu sheegay inuu yahay min aad waxba ka badali karin xaaladda dhabta ah ee ka jrta Soomaaliya.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan waxaa uu sheegay in Soomaaliya aysan u baahnayen shirarcaalami ah balse ay u baahan tahay in dadkeeda la samato bixiyo .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here