Bishan waxaa magaalada London ee dalka Ingiriiska lagu qaban doonaa shir muhiim ah oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, waxaana shirkaan uu daba socdaa shirar kale oo sanadihii lasoo dhaafay dalkaasi lagu qabtay.
Dad badan ayaa is weyiinaya waxa uu shirkaan kaga duwanaan doono shirarkii horey loogu qabtay magaaladaasi, maadaama maaliyiin doolar oo Soomaaliya shirarkii hore loogu ballanqaaday aan lasoo gaarsiin.
Hadaba shirkaan ayaa leh weji ka duwan kuwii hore, wuxuuna shirkaan yahay mid dowladdii wax balanqaadda degdeg looga doonayo, lagula xisaabtamayo, sidoo kalena aanu jiri doonin cago jiid.
Dowladda Farmaajo ayaa qodobada ay gudbisay in shirkaan lagu soo daro waxaa kamid ah in ballaqaad walbo lagu fuliyo 30 cisho gudahooda, haddii aanu fulinna aysan shir dambo oo Soomaaliya loo qabanayo kasoo qeybgalin dowladdaasi.
Sidoo kale waxaa shirkaan lagu go’aamin doonaan waxyaabo badan oo dan u ah shacabka iyo sidoo kale dowladda Soomaaliya, dalkana isbedal badan ayuu geli doonaa.