Ciidamada Amaanka Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa gacanta ku dhigay nin ku eedeysan inuu 25sano Sixir ku shaqaysanayay magaaladaas, kaasi oo lagu magacaabo Maxamed Cismaan Yuusuf.
Ninkaan oo sheegay inuu Boosaaso yimid sanadkii 1992dii, ayaa ku xiran saldhiga dhexe ee magaalada Boosaaso, waana Xukun suge.
Puntland ayaa sheegtay xilliga ay soo qabanayeen ninkaan gurigiisa laga soo helay muuqaalo aanan horay u arag,kuwaas oo ka koobnaa Lafo Ari, Loox lagu dhajiyay Masaamiir, Caws, Baalka Xayawaankaloo yaqaan Caanaqubta iyo waxyaabo kale oo la isku tidcay.
Ugu horeyntii Yuusuf Axmed oo ah taliyaha Saldhiga dhexe, ayaa sheegay in dadka losoo qabtay Sixirka aydhan yihiin labo ayna ku wadaan baaris.
‘’Nimankaan waxaa soo qabtay ciidanka Booliska qaybta gobolka Bari saldhiga ayaykeeneen, waa niman Saaxiriirn ah oo dadka Sixri jiray, maadama ay Saaxiriirn yihiin baarisayaa ku socota, waxa uu wato Gurigiisa ayaa laga soo qaaday’’ Ayuu yiri Gaashaanle DhexeMaxamed Axmed.