Amar kale oo adag ayaa caawa ka soo baxay Maamulka Gobolka Banaadir

0
228

Amar kale oo aad u adag ayaa ka soo baxay Maamulka Gobolka Banaadir kaas oo la dul dhigay Dadka Gaadiidka wata ee ka dukaameysanaya Inta u dhaxeysa KM0 ilaa KM4.

Amarkan ayaa waxaa soo saaray Guddoomiye Ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Saalx Sheekh Maxamed.

waxaana amarkaas la faray dhamaan Taliska Ciidamada Ilaalada wadooyinka Ee Taraafiko in ay adkeeyaan dhaqan galka awaamiirta Madaxda dalka.

waxaa la sheegay in qofka Dukaameysanayo loo ogol yahay kaliya muda 30 Daqiiqo isla markaana shaqsigii aan fulin laga qaadi doono tallaabo sharci ah.

Amarada is xigxiga ee ka soo baxaaya Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa la doonayaa in looga hortago gaadiidka ay ku raran yihiin walxaha qarxa ee la dhigo meelaha dadka ay isugu yimaadaan ee Muhiimka ah .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here