DEG-DEG: Dagaal Xoogan oo Ka socdo qeybo ka mid ah Gobolka Baay.

0
276

Wararka inaga soo gaaraya Degaanka Goof-gaduud oo 30-KM u jira Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo Dagaal culus.

Dagaalkan ayaa waxa uu u dhaxeeyaa Ciidanka Dowladda Federaalka, Kuwa Koonfur Galbeed oo isku dhinac ah iyo Dagaalyahano ka tirsan Shabaab.

Wariyaha Risaala ee Magaalada Baydhabo ayaa soo sheegaya Labada dhinac in ay isku adeegsanayaan hubka nuucyadiisa kala duwan.

Degaanka Goof-gaduud oo 30-KM u jira Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay dhowr jeer oo hore waxaa ku dagaalamay Ciidanka Dowladda iyo Dagaalyahanada Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here