Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Taliyaha Ciidamada NISA ee Galmudug (Magaca)

0
272

Cali Cilmi Axmed ( Cali Ilka case),ayaa loo magacaabay Taliyaha cusub ee Ciidanka Nabad Sugidda Maamulka Galmudug.

Cali waxaa lagu beddelay Saadaq Cumar Xasan oo horay u ahaa Taliyaha Nabad Sugidda Galmudug,kaas oo shalay loo magacaabay Taliyaha Nabad Sugidda Gobolka Banaadir.

Taliyaha Cusub ee Nabad SUgidda Maamulka Galmudug waxaa uu horay u ahaa Taliyaha Ciidamada Wadajirka ah ee Soomaaliya.

Ciidamada uu taliyaha ka ahaa ayaa ka kooban Boolis,Milatari,Nabad Sugid iyo AMISOM,waxaana loo soo gaabiyaa JOCC,kuwaas oo howlaggallada gaarka ah fuliya.

Saraakiil ka tirsan Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa Cali ka sagootiyay Garoonka Diyaarada Aadan Cadde ee Muqdisho waxaana uu aaday magaalada Cadaado halkaa soo uu ka qaban doono shaqadiisa cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here