Askar kamida Ciidamada Koonfur Galbeed oo meydad iyo dhaawac isugu jira ayaa la geeyay Isbitaalada Baydhabo , waxaana dagaal culus uu ka socdaa degaanka Goofgaduud.
Dhaawacyadda iyo Meydadka dagaalka ka socdo Goofgaduud ayaa si xowli ah loogu soo daad gureynayaa isbitaalka Magaalada baydhabo.
Gurmad xooggan oo ay hoggaaminayaan Saraakiil ka tirsan Ciidamda xoogga ayaa ka baxay magaalada Baydhabo , kuwaasoo kusii jeeda degaanka Goofgaduud.
Degaanka Goof-gaduud oo 30-KM u jira Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa dhowr jeer oo hore ka dhacay dagaal nuucan oo kale ah oo u dhaxeeyey Kooxda Al-shabaab iyo Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya.