Warar dheeraad ah oo laga helay Qarax xoogan oo ka dhacay Magaalada..

0
218

Faah faahino ayaa laga helayaa Qarax lala bartilmaameedsaday Gaari ay wateen Ciidamada Kenya oo marayay Magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya.

Qaraxaan oo ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa Ciidamada amaanka ee Dowladda Kenya waxaa lagula eegtay sida la tilmaamay inta u dhaxeysa Degaanda Libooye iyo Kulan.

Saraakiisha Booliska ee Dalkaasi ayaa sheegay in Qaraxa uu khasaaro dhaawac ah ka soo gaaray tiro Askar Kenyaan ah islamarkaana 3 ka mid ah dhaawacyada ay yihiin kuwa halis ah.

Weli majro cid sheegatay mas’uuliyada Qaraxaasi balse Weerarada inta badan ka dhaca Gobolka Waqooyi Bari ayaa dhabarka waxaa u rita Kooxda Al Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here