Wasiirka Waxbarashada oo ku Dhawaaqay Xilliga Imtixaanka la qabanaayo.

0
309

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Crixmaan Daahir, ayaa maanta shir Jaraa’id oo uu ku qabtay jaamacadda Ummadda  Soomaaliyeed ku shaaciyey xlliga la qabanaayo imtixaanka shahaadiga ah ee galaaska afraad ee dugsiga sare, waxaa wasiirku sheegay in laqaadi doono 20- May 2017.

Wasiirka ayaa sheegay in ay imtixaanka shahaadiga ah ka qaybgalidoonaan, 23,000 (labaatan  iyo sadex  kun) oo arday, waxaana uu intaasi ku daray in lagu qabandoono ilaa iyo 80 (sideetan) xarumood oo ka tirsan 10 (toban) gobol oo Soomaaliya ah.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa seegay in ay ka qaybglidoonaan ardayda maamulgoboleedyada, Galmudug, Hirshabeele, Koonfur galbeed, Jubaland, iyo Gobolka Banadir.Wasiirka ayaa ardayda u rajeeyey guul iyo mustaqbal wanaagsan.

Aggaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Pro: Maxamed C/qaadir Nuur ayaa isna ku booriyey in ardadu ay gasho imtixaanka, intaasna waxa uu raaciyey  in sanadkii hore uu ka duwanyahay sannadkaani, asagoo ku sababeeyey, tirada ardada iyo goobaha lagu qabanayo imtixaanka,  oo kabadan intiihore, waxa uuna sheegay in sanadwalba ay wasaaradu habka imtixaanqaadista ay sii horumarinayso, shirkaas jaraa’id ayaa ku soodhamaaday jawi aad u wanaagsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here