Ciidamada Dowlda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay Howlgal culus oo la soo qorsheeyay ka sameeyeen Deegaano dhowr ah oo dhaca Duleedka Magaalada Muqdisho.
Howlgalka ayaa waxaa uu ahaa Mid lagu xaqiijinayay amaanka Deegaanadaas gaar ahaan Garas-baaley. Sarkuusta iyo Xaafado kale oo ku teedsan duleedka Magaalad Muqdisho.
Ciidamada ayaa Howlgalkooda ku soo qabtay rag hubeysan oo la sheegaya in ay Xiliyada Habeenkii ah dil iyo dhac u geysan jireen Dadka halkaas ku dhaqan.
Guddoomiyaha Deegaanka Garas-baaley Cabdiraxmaan Garyare ayaa waxaa uu xaqiijiyay in Howlgalkaas ay ugu tala galeen xaqiijinta nabad gelyada deegaankaas iyo meelaha ku dhow.
Gudoomiyaha ayaa ugu baaqay in dadku ku howlan dhibaatayna Shacabka deegaankasi in ka waan Toobaan Falalka lidiga ku ah Amniaga iyo Bulshada Deegaankaasi.