Madaxwyena Kenya Uhuru Kenyatta ayaa shuruud adag ku xiran inay ciidamada Kenya kasoo baxaan gudaha Soomaaliya xilli uu saxaafadda kula hadlayey Magaalada Nairobi ka hor inta uusan u dhoofin shirka London oo lagu casuumay.
Uhuru Kenyatta ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamada Kenya ay sii joogi doonaan Soomaaliya, si ay u dhameystiraan ujeedka ay markii hore u soo galeen oo ah xaqiijinta ammaanka Kenya, sidaasna markii hore loo go’aansaday in Ciidamada Kenya la geeyo Soomaalya.
Kenyatta ayaa carabka ku dhutay inaysan Ciidamada Kenya kasoo bixin doono dalka Soomaaliya iyo inta Soomaaliya ay iyada iska difaaci karto dhibaatada ay Al-Shabaab ku heyso.
“AMISOM halkan uma joogto arrimo gaar ah ee waa mid amniga lagu sugayo, wadamada dariska ah ee AMISOM kujira waxey Soomaaliya uso galeen si amnigeena ay u sugaan, Dabcan Somalia waxay u baahantahay in iyada ay isdifaacdo” ayuu yiri Uhura oo la hadlay saxaafadda.
“ laakiin sax maahan in AMISOM ay iska baxdo, iyadoo an Soomaaliya amni laga dhigin, taasina waa hadafka aan dooneyno inaan gaarno”ayuu hadalka kusii daray.
Madaxweynaha Kenya ayaa ka qeybgeli doono shirka London oo looga hadli doono howlgalka Midowga Africa ee loo yaqaan AMISOM iyadoo ajandayaasha shirka uu ka mid yahay dhismaha ciidamo gaaraya 18-kun askari oo qorshahooda yahay inay la wareegaan Ammaanka dalka, kaddib marka ay AMISOM ka baxdo Soomaaliya sanadka 2018.
Kenya ayaa dhamaadkii sanadkii 2011 kumanaan askari soo gelisay Soomaaliya, kuwaasoo ka soo tallaabay xuduuda, iyagoo ku andacooneysa inay la dagaalameyso Al-Shabaab iyo ka hortaga falal afduub ah oo ka dhacay gudaha dalkeeda, kaddib markii dad laga soo afduubtay xeryaha qaxootiga Kenya iyo gobolka dalxiiska ee Kenya lala soo galay gudaha Soomaaliya.
Hadalka kasoo yeeray Madaxweynaha Kenya Uhuro ayaa kusoo aadayo xilli Ciidamada Kenya ee Soomaaliya ku sugan ay dhibaato badan kala kulmaan Weeraro kaga imaado Al-Shabaab, waxayna taariikhda diiwaan gelisay weeraro khasaaro badan ka dhashay oo ay Al-Shabab ku qasbadeen fariimo ay lahaayeen Ciidamada Kenya.
Al-Shabaab ayaa gacanta ku dhigy askar u dhalatay dalka Kenya, sidoo kalana waxay weeraro ku dileen askaro badan, waxaana xusid mudan inay Al-Shabaab gowracday mid kamid ah askartii ay Ciidamada Kenya uga qabsatay weerada sidoo kalana dhawaan ayey soo bandhigtay askarigii kale oo dalbanayo inay Kenya badbaadiso.