Shirka Wasiirada Dastuurka Ayaa Maanta Ka Furmay Magaalada Muqdisho .

0
318

Waxaa Magaalada Muqdisho Maanta ka furmay Shir ay ka qeyb galayaan Wasiirada Dastuurka maamul goboleedyadda.

 

Shirkaan ayaa waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda dastuurka dowladda Soomaaliya, waxaana Shirkaan diirada lagu saaraya Arimo ku saabsan dib u eegista dastuurka.

 

Wasiirka Wasaaradda dastuurka dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo Shirka Furay ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Shirkaan diirada lagu saaro aragtiyadda ku aadan dib u eegista dastuurka.

 

 

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka ayaa ka qeyb galaya Shirka.

 

Wasaaradda Dastuurka dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday dadaallo dib u eegis loogu sameynaayo dastuurka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here