Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta lagu waddaa in uu tago goobaha Taariikhiga ah ee ku yaalla Magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu waddaa in uu maanta Ubax dhigo Taaladda SYL ka dib uu tago Garoonka kubadda Caggta ee Koonis halkaasoo uu kula hadli doono dhalinyaradda Soomaaliyeed.
Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Cayaaraha dowladda Soomaaliya Axmed Cumar Islow ayaa sheegay in maanta Madaxweyne Farmaajo uu dhalinyarada Soomaaliyeed uu kala qeyb gali doono xuska SYL.
Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in maanta si weyn loogu diyaar garoobay Xuska Maalinta dhalinyaradda Soomaaliyeed oo maanta ku beegan.