Labo Askari iyo qof shacab ah oo lagu dilay gudaha Suuqa Bakaaraha

0
401

Warar goordhaw aan helnay ayaa sheegaya in labo askari oo katirsanaa ciidanka dowlada Soomaaliya lagu dilay Suuqa Bakaaraha gaar ahaan halka ay ku taalo boosteejada laga raro baabuurta aada magaalada Baydhabo.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in kooxo biskoolado ku hubeesan ay toogteen labo askari oo qoryo ku hubeesnaa, waxaana goobtaasi sidoo kale ka dhacay iska hor imaad uu ku dhintay qof shacab ah.

Raga dilka geestay ayaa la sheegay in goobta si deg deg ah uga baxsadeen, waxaana halka lagu dilay askartan katirsan ciidanka dowlada soo gaaray ciidamo kale oo katirsan dowlada kuwaa oo baaritaano sameeyay.

Goobta lagu dilay askarta iyo qofka shacabka ah ayaa in mudo ah waxaa ka taagneyd xaalad kacsanaan ah, waxaana halkaasi ka kala cararay inta badan dhalinyaradii ku sugneyd si aan loo qaban.

Dilalka qorsheesan ee loo geesto askarta iyo dadka kale ee u shaqeeya dowlada ayaa maalmihii lasoo dhaafay kusoo badanayay magaalada Muqdisho, waxaana dilalkan imaanayaan xili magaalada ka howl galayaan ciidamo badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here