Isticmaalka Lacagta Shillin Soomaaliga ah oo laga diiday suuqyada magaalada Jowhar

0
371

Ganacsatada magaalada Jowhar ayaa maanta bilaabay inay diidaan isticmaalka Kunka Shillin ee ah lacagta Shillin Soomaaliga ee hore looga isticmaalayay magaalada Jowhar.Ganacsatada ayaa waxaa ay ku saleeyeen diidmada isticmaalka shillinka inay ka timid kadib markii qiimaha shillinka uu hoos u dhacay iyadoo lagu sarifayay boqolkii dollar lacag gaareysa 2500,000 Sh.So halkii uu hore ugaga ahaa 2300,000 Sh.So.

Hase yeeshee Maamulka gobolka Sh/dhexe ayaa u digey ganacsatada magaalada Jowhar diidmada ay ka muujiyeen isticmalka kunka shillin.

Kusimaha guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe ayaa isla maantaba booqday suuqa ugu weyn ee magaalada Jowhar halkaa oo uu kula kulmay ganacsatada magaalada ugu waaweyn magaalada isagoo u sheegay in shacabka reer Jowhar ay yihiin dad beeralay ah kuna nool xoogooda sidaa darteedna aysan marnaba dhici karin in laga diido lacagta ay xoogooda ku soo shaqeysteen ama lacagtii ay yaanyadii iyo galeydii ay beerteen loogaga iibsaday.

“Lagama yeelayo ganacsatada inay diidaan lacagta Soomaaliga ah ee sharciga ah Jowharna ma aha magaalo ku taal dalka Maraykanka.”ayuu yiri kusimaha guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Maxamed Cabdi Sheekh.

Arrintan ayaa walaac waxa ay ku abuurtay dadka ku nool magaalada Jowhar iyadoo hadal haynta maanta ugu badan magaalada ay tahay diidmada shillin Soomaaliga iyadoo ay tahay markii ugu horeysay ee abid laga diido shillin Soomaaliga magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.

Waxayna arrintan ku soo beegantay xilli madaxda ugu sareysa dowlad goboleedka Hirshabelle sida Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha Baarlamaanka ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here