Golaha Wasiirada oo galabta magacaabay Saddex Safiir

0
299

Warar goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya Shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya lagu magacaabay saddex Safiir oo Soomaaliya u fadhi doono caalamka, iyadoo aan la sheegin dalalka loo magacaabay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa soo jeediyay magacaabida saddex Safiir, iyadoo Golaha Wasiirada ay meel mariyeen.

Safiirada la magacaabay ayaa waxaa ka mid ah Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Tarsan oo ka mid ahaa La Taliyeyaasha Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale waxaa Safiir loo magacaabay C/risaaq Shoole oo ahaa Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada iyo dadka aadka ugu dhow Madaxweyne Farmaajo.

Waxaa kaloo Safiir loo magacaabay C/llaahi Maxamed Odawaa.

Safiirada ay ansixiyeen Golaha Wasiirada ayaa ku soo bixi doona wareegto Madaxweyne oo loogu magacaabi doono dalalka ay Safiiro ka noqonayaan.

Illaa 10 safaaradood ayaa laheyn wax safiiro ah muddo sanad ah, iyadoo safiiradii xilalkaas hayay qaarkood xilal Wasiiro loo magacaabay, halka qaar muddo Safiir soo ahaa xilka laga qaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here