Daahir Geelle “Madaxweynuhu waxaa uu booqasho taariikhi ah ku tagayaa Eritrea”

0
306

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa ka warbixiyay booqasho rasmi ah oo maalinta berri Madaxweyne Farmaajo ku tagi doono dalka Eritrea.

Daahir Geelle ayaa sheegay in booqashada Madaxweynaha ay noqon doono mid taariikhi ah oo Madaxweyne Soomaaliyeed ku tagi doono dalka Eritrea oo sanadkii 1993 madax banaani ka qaatay.

“Madaxweyne Farmaajo waxaa uu maalinta berri booqasho rasmi oo taariikhi ah ku tagayaa dalka Eritrea, waxaa Soomaaliya iyo Eritrea u bilaaban doona xiriir cusub oo diblomaasiyadeed”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Waxaa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki uu dhex mari doono wada hadalo labo geesood ah oo xiriirka labada dal lagu xoojinayo.

Xiriirka cusub ee u bilowday Itoobiya iyo Eritrea oo muddo 20 sano ay colaad u dhaxeeysay ayaa weji cusub gelisay xaalada Gobolka iyo istiraatiijiyada Siyaasadeed ee Geeska Afrika.

Eritrea ayaa horay lagu eedeeyay inay taageero kooxaha dowladda ka soo horjeeday, sida AlShabaab waxaana sanadkii 2007 lagu aas aanay Asmara Isbaheysigii la magac baxay Dib u xoreynta oo hoggaamiyhii isbaheysigaas Sheekh Shariif mar dambe loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya, kaddib wada hadalkii Jabuuti ay garwadeenka ka aheyd Qaramada Midoobey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here