Dayax madoobaadkii ugu dheeraa qarnigan oo caawa laga arkay inta badan Caalamka

0
415

Dayax madoobaadkii ugu dheeraa qarnigan ayaa caawa laga arkay inta badan caalamka, sida horay loo saadaaliyay, iyadoo Dayaxu uu gebi ahaanba madoobaaday.

Dayax madoobaadka ayaa laga arkay meelo ka mid ah Soomaaliya iyo Afrika, waxaana uu socon doonaa illaa afar saacadood.

Meelo ka mid ah magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ayaa waxaa ka bilowday Alle bari, iyadoo masaajidada loo dareeray.

Sidoo kale dadweyne fara badan ayaa sida caadada ah waxay bilaabeen inay waddooyinka isugu soo baxaan, iyagoo alle bari sameynaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here