Taliyihii hore Ciidanka Birmadka Mudug oo caawa lagu dilay Gaalkacyo

0
332

Kooxo hubeysan ayaa caawa ku dilay magaalada Gaalkacyo Col. C/rashiid Xasan Xaashi (Gabi-Gabi) oo ahaa Taliyihii hore ciidanka Birmadka Gobolka Mudug, iyadoo kooxihii dilka geystay ay baxsadeen.

Dilka ayaa dhacay abaarihii salaadii cisho, xilli Col. Gabgabi ka soo baxay Masaajid ku yaalla bartamaha magaalada Gaalkacyo.

Ciidamada Booliska ee isku dhafka ah ayaa caawa ka wada magaalada Gaalkacyo howl gallo lagu baadigoobayo kooxihii dilka geystay.

Xaalada magaalada Gaalkacyo ayaa ka soo reyneysay dhankeeda Koofureed, kaddib markii loo sameeyay Ciidamo isku dhaf ah oo ka kooban labada maamul ee Galmudug iyo Puntland.

Sanadihii u dambeeyay ayaa waxaa magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan dhankeeda Koofureed ka dhacayay dilal qorsheysan oo loo geysanayo saraakiisha ciidamada iyo dadka waxgalka u ah bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here