Xasan Sheekh iyo C/raxmaan C/shakuur oo ku kulmay Ankara

0
261

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga kula kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

C/raxmaan C/shakuur oo si weyn u mucaaradsan dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa farriin uu bartiisa Facebook soo dhigay ku sheegay inuu booqasho ugu tagay Xasan Sheekh.

“Waxaan booqasho ugu tegey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud. Waxaan ka wada hadalnay xaalada dalku marayo iyo sida ugu haboon ee mustaqbalka lagu wajihi karo. Kulankeena wuxuu ku soo idlaaday isfaham iyo iskaashi”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ayaa muddooyinkii u dambeeyay dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed ka waday dibadda, tan iyo markii uu ka tagay Muqdisho, oo uu cadaadis Lama kulmay Ciidamada NISA oo ay ku weerareen hoygiisa.

Kulankan ayaa imaanaya, iyadoo dhowaan Madaxweyne Farmaajo uu Ankara kula kulmay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo ka wada hadlay xaalada dalka, caqabadaha jira iyo mustaqbalka Soomaaliya.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here