XOG: Farmaajo oo Qorshe Jabuuti ay ku farxi doonaan u Bandhigay Dhigiisa Eritrea

0
231

Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya oo qeyb ka ah wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed cabdulaahi Farmaajo ee ku sugan Magaalada Asmara ee dalka Eritrea ayaa Warbaahinta Rajoqaran u sheegay in Madaxweynaha uu dhigiisa kala hadlayo xiisada u dhaxeysa dalalka Jabuuti iyo Eritrea.

Madaxweyne Farmaajo ayaa doonaya inuu soo gaba gabeeyo muranka iyo dagaalka ka dhaxeeya labada wadan isagoo ka shaqeynaya sidii Miiska wada hadal ay iskugu imaan lahaayeen Madaxda labada Dowladood.

Madaxweyne Farmaajo ayaa iska indha tiray codsi kaga yimid Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle kaasi oo ku saabsanaa inuusan aqbalin casuumaada kaga timid Eritrea isla markaana uu baajiyo safarka uu ku tagayo dalkaasi balse Madaxweyne Farmaajo ayaan dhag jalaq u siin codsigaasi.

Sidoo kale Dowlada Eritrea dhankeeda waxay Soomaaliya usoo bandhigtay inay u ogolaato inay kala dhex gasho iyaga iyo Imaaraadka.

Wasiirka Warfaafinta dowladda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo ka hadlay Booqashadda Madaxweyne Farmaajo uu ku joogga dalka Ereteriya Waxaa uu sheegay in dhawaan dowladdaha Soomaaliya iyo Ereteriya ay isdhaafsan doonaan Safaarado.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay Wasiirka in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in la dhameeyo Khilaafka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, islamarkaana ay soo dhaweynayaan Cidwalba oo ka qeyb qaadanaysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here