C/raxmaan C/shakuur “Waa in la madax baneeyaa Hanti Dhowrka Guud, Baarlamaankana soo doortaa”

0
219

Iyadoo khamiistii la soo dhaafay Golaha Wasiirada ay ansixiyeen Hindise sharciyeedka Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka, kaasoo awood u siinaya Xukuumadda magacaabista iyo xil ka qaadista Hanti Dhowrka ayaa waxaa ka soo horjeestay Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo xilligan ah hoggaamiyaha mucaaradka dowladda.

C/raxmaan C/shakuur oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa ku baaqay in la madax banaaneeyo Hanti Dhowrka Guud, isagoo xusay inuu jiro sharci Baarlamaanka yaalla oo ah inay soo doortaan qofka noqonaya Hanti dhowrka Guud.

“Hanti dhowrka Guud waa in la madax banaaneeyo, sharci waxaa jira Baarlamaanka yaalla oo ah in Baarlamaanka soo doortaan Hanti Dhowrka Guud, oo aanay dowladda soo magacaabin, sharcigaas weli Xafiiska Madaxweynaha ayuu yaallaa, si Hanti dhowrka u madaxaanaado oo uu karti ugu yeesho inuu Hey’adaha dowladda la xisaabtamo”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in haddii Hanti Dhowrka si aan madax banaaneyn u shaqeyn ay adkaaneyso inuu la xisaabtamo hey’adaha dowladda, isla markaana ay dhici karto inuu ka cabsado qolada soo magacawdo inay xilka ka qaado.

Hindise sharciyeedka ay meel mariyeen Golaha Wasiirada waxaa ku jiray qodob ka mid ah oo ah magacaabida, iyadoo Golaha Wasiirada ay yeelanayaan soo jeedinta xubinta ku haboon xilkaas, isla markaana Madaxweynaha uu soo magacaabayo, si la mid ah Golaha Wasiirada waxay awood u leeyihiin inay soo jeediyaan xil ka qaadistiisa.

Dood sharciyeed ayaa ka dhashay sanad ka hor markii Golaha Wasiirada ay isku raaceen xil ka qaadista Hanti dhowrkii hore Nuur Faarax, inkastoo uu ku tilmaamay xil ka qaadistaas mid sharci darro ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here