Geeraro jaceyl oo iska soo horjeeda (daadis iyo dajin )

0
12031

Geeraradaan gaab gaaban ee ay idin soo gudbineyso shabakada Rajo Qaran oo joogto inoo ahaan doono ayaan jecleysanay in aan kusoo qaadano laba geerar oo gaagaaban oo daadis iyo dajin ah , waxaan horay Webka ugu dabaacnay sanadkii 2010 Waxaana jec;leysanay inaan markale idinla wadaagno.


inkastood baryaha qaar
qurux aad laheeydoo
qalbigeeygu kula jiray
haatan qeema beeshee
waxaan qaadir kuuqorin
looma qoomamoodoo
qasab lagu madoonee
qonyor soco talaabada
anaa qalad sameeyoo
qeerkeey kumoodoo
qosol kugu jeclaadee
uma qalantid caashaqa

Sidoo kale abwaanka curiyey geeraarkan daadiska ah ayey ka codsatay shabakada rajoqaran.com in uu inoo raaciyo. Mid jaceyl xambaarsan si hablaha ka caroodo daadiska ay ugu yara dagaan waxa uuna inoo raaciyey tixdan gaaban

qalanjadii haweenkee
qiimaha badneeydey
qurux loodhameeyaay
qabyo laga ilaalshaay
qaaliyeey waxaatahay
midaan qalad xumaan iyo
qalooc laheeynoo
qaadir iigu gargaaree
qumantaan jeclaayeey intaan. qaabilaadiyo qurus raadinaayaa
qurbo ila fogaadee
qaadir heesku keensimo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here