Qaar ka mid Ah Shaqaalaha Maamulka HirShabelle ayaa maanta lagu bahdilay Magaalada B/weyen Ee Gobolka Hiiraan loona diiday inay Ka qeyb galaan Shir maanta oo Sabti ah dhici lahaa.
Howlwadeenada HirShabelle oo qaarkood Wasaarado ka shaqeeyaan ayaa waxa la sheegay in loo diiday inay Ugudbaan Xarunta uu shirka ka socday.
Warbaahinta ayey La hadleen Shaqaalahaasi,iyagoo Eedeyn Culus umiisay Gudoomiyaha G/Hiiraan C/llaahi Maalin Sufuroow,Kuxigeenkiisa Siyaasada Xasan Carabeey iyo Mas’uuliyiin kale oo G/Hiiraan maamulkeeda ka mid ah.
Waxay baaq udireen Howlwadeenadaasi maanta lagu hor istaagay B/weyne inay ka qeyb galaan shirka Madaxweyne Waare,Kuxigeenkiisa Cali Guudlaawe iyo Wasiirada Maamulkaasi.
B/weyne ayaa waxay umuuqataa mid udhego raariceynsa xubno diidan in HirShabelle sii shaqeyso,oo Muqdisho laga soo abaabulay.
Ilaa hadda ma heyno wax war ah oo kasoo baxay Madaxda Maamulka G/Hiiraan oo looga jawaab celinayo Eedeynta soo baxday iyagana kusocota.