Ethiopia Oo dishay ku dhawaad 100 ka tirsanaa Al Shabaab, kadib…

0
230

Dowladda Ethiopia ayaa sheegtay in duqeymo diyaaradeed oo ay ka fulisay Soomaliya ay ku dishay ku dhawaad 100 dagaalyahan oo ka tirsanaa Al Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Cirka Ethiopia Yilma Merdassa ayaa xusay in duqeyn Qorsheysan oo ay la bartilmaameedsadeen Al Shabaab ay ku dileen illaa iyo 70 ka tirsanaa  Al Shabab, sidoo kalena ay ku burburiyeen labo Gaari oo nuuca dagaalka ah iyo Hub, sida uu hadalka u dhigay.

Taliye Yilma Merdassa ma shaacin waqtiga iyo meesha rasmiga ah ee ay fuliyeen duqeyntaasi

Dhanka kale ma jiro wx hadal ah oo ka soo baxay Xarakada Al Shabaab oo ku aadan duqeytan.

Ethiopia ayaa ka mid ah dalalka dagaalka kula jira Xarakada Al Shabaab oo ka dagaalanta gudaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here