Nin xaaskiisa ku dilay magaalada Muqdisho maalmo kadib Guurkooda oo xabsi la dhigay

0
379

Nin xaaskiisa ku dilay magaalada Muqdisho ayaa la xiray kadib markii ciidamada amniga ka shakiyeen xilli habeen ah isagoo dhiig leh.

Ninkan ayaa la sheegay inuu xaaskiisa toorey ku dilay iyadoo is qabatay muddo ku dhow 10 maalmood, shilkan oo ka dhacay xaafad ka tirsan degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho ayaa si weyn looga naxay, waxayna dadka degaankaasi ku noqotay arrin ay qaadan waayeen.

Haweeneyda la dilay ayaa magaceeda lagu sheegay Madiina Taajir, waxaan wallaalkeed uu sheegay in ninka uu muddo ka hor ka yimid qurbaha wax dhibaato ahna aysan ku ogeyn, balse markii uu falka dilka kula kacay uu isaga dhaqaaqay.

Ciidamda ilaalada madaxtooyada oo ka shakiyey ayaa qabtay, wuxuuna u sheegay inuu xaaskiisa dilay, waxaana lagu wareejiyey saldhigga Xamarweyne, waxaana arkaas kadib lagu xiray xarunta CID-da.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here