Madaxweynaha DDSI oo Maanta ku Wajahan Eretrea xilli Madaxda ONLF ay sugayaan

0
187

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida   Mustafa Cagjar ayaa Maanta lagu wadaa inuu  tago  Magalada Asmara ee dalka Eretrea,  waxaa uuna halkaasi kula kulmi doonaa  Madaxda Jabhada ONLF oo mudo badan dagaal kula jirtay Itoobiya.

Xubnaha la socda Madaxweynaha iyo Madaxda Jabhada ONLF ayaa waxaa ay ka wada hadli doonaan sidii loo dhameyn lahaa colaada mudada dheer ee u dhexeysay Jabhada ONLF iyo Dowlada Itoobiya.

Sidoo kale Waxyaabaha ay kulankooda  diirada ku saarayaan ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay sidii Nabad ay ku noqon laheyd Magaalada Jigjiga,iyadoona ay xusid mudan tahay heshiis hor dhac ah la gaaray dagaalada ka dhacayay dalka Itoobiya.

Dhawaan ayay aheyd markii Xubno uu hoggaaminayay  Afhayeenka Jabhada ONLF Cabduqaadir Cadaani Hirmooge uu gaaray Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya,waxaa uuna halkaasi kula kulmay masuuliyiin  ka tirsan Dowladda Itoobiya.

Madaxdweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida  iyo Madaxda Jabhada ONLF ayaa  marka ay heshiiis ku soo gaaraan Magaalada Asmara  waxaa ay gaari doonaan iyaga oo wada socda Magaalada Jigjiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here