Rooboow Oo La Ogaaday Sababta Uusan Weli Ugaarin Baydhabo Maadama Murashax Yahay

0
307

Madaxweynaha Cusub Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lawada raadinayaa cida noqon doontana lama sii saadaalin karo.

Qawaamuur Qaarkood Magac iyo Mansab ku dhex leh Deegaanadaasi ayaa tartanka ku jira,qaarkoodna waxay ahaayeen Dhiigyo Cab Dadka gumaadkooda ka qeyb qaatay.

Aqoonyahana KGS Kasoo jeeda waxay dhaliileen Murashaxiinta inka mid ah oo aan uqalmin inay hogaamiyaan Dadka & Deegaanadaasi Baaxada weyn.

Inta badan Murashaxiinta ku loolameysa 17 Novermber 2018 Doorashada ka dhaceysa Baydhabo ayaa gaaray Magaaladaasi si ay ololahooda usii laba jibaaraan.

Inkastoo weli uusan si rasmi ah ugu dhawaaqin Rooboow Abu Mansuur Xilkaas inuu utaagan yahay hadana waxa uu kasoo dhex muuqday dhawaan kulan Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal C/raxmaan uu la qaatay Murashaxiinta Xildoonka u ah KGS.

Weli Muqdisho ayuu joogaa Rooboow iyadoo la leeyahay waxa uu wadaa qorshe uu ku hanan karo Doorashadaasi,Dawlada Federaalka iyo Dawlado Shisheeye ayaana uu ka heystaa Taageero.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa inuu gaaro Baydhabo si uu ugu dhawaaqo murashaxnimadiisa,waxaana maanta uu ka haray 7 Murashax oo gaaray Magaalaadasi.

Sababta ugu weyn ayaa aheyd inuu la ballansan yahay Saraakiil Mareykan ah oo Xerada Xalane kulan kula qaadan doona Arinta Doorashadana ay kawada hadli rabaan.

Sidoo kale waxaa Rooboow uu doonayaa in Magaalada Baydhabo markii uu tegayo laga dareemo maadaama Murashaxiin kale inuu raaco uusan ku qancin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here