BIGNEWS: Sargaal Caan Ka Ahaa Ciidamada Maamulka Axmed Madoobe Oo Isku Dhiibay Al Shabaab

0
260

Ururka Al Shabaab ayaa sheegay inuu isku soo dhiibay Sargaal Sare oo katirsanaa Maamulka Jubbaland Ee Madaxweyne Axmed Islaam Madoobe hogaamiyo Fadhigiisuna yahay Magaalada Kismaayo.

Sargaalkani ayaa ahaa Taliyihii Xabsiga Dhexe Ee Kismaayo Nuur Yuusuf Saneey,ayaana magaciisa lagu sheegay kaas oo dhanka Shabaab u goostay.

Magaalada Jilib oo ah Buqcada Shabaabka ugu xoogan yihiin Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa waxa lagu soo bandhigay Ninkani la sheegay inuu maamulka Jubbaland ka goostay.

Al Shabaab ayaa sheegay in Qori AK47 Ah iyo Booshash uu watay xilliga uu isku soo dhiibayey Al Shabaab si fiicana loo soo dhaweeyey sida ay warka udhigeen.

Qoraal lagu faafiyey Baraha Internet-ka Ee Al Shabaab ayaa lagu daabacay in dhib badan uu ka sheekeeyey Sargaalkani sida ay hadalka udhigeen balse ugu dambeyn Maxkamada Jilib ee Shabaab kasoo muuqday markii lasoo bandhigayey.

Ilaa hadda ma heyno cid ka hadashay Jubbaland katirsan oo ka jawaab celineysa warka kasoo baxay Shabaab ee Ah In Taliyihii Xabsiga Dhexe Kismaayo uu dhankaas iyo Shababa ugoostay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here