Faahfaahin ka soo baxaysa askari lagu diley saaka magaalada Muqdisho

0
195

Mid ka mid ah ciidamada dowlada saaka lagu diley degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho iyadoo dadkii ka dambeeyay dilka askarigana ay baxsadeen.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in dilka askariga oo ka mid ahaa ciidamada Booliska uu ka dhacay meel ku dhow xerada Afisiyooni ayna ka dambeeyeen rag watay gaari yar.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay kuwaas baaritaano bilaabay islaamrkaana qaaday meydka askariga.

Dhowaan ayaa ururka Daacishta Soomaaliya waxa ay sheegteen inay ka dambeeyeen askar lagu diley Muqdisho iyo degmada Afgooye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here