Warbixin ka soo baxday wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa looga hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo sida ay wali u howlgalayaan.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay wali tahay meel ay AL-shabaab ka fulin karaan nooc kasta oo weerar ah oo ay doodaan maaddaama ay heystaan dhul ku filan oo ay weerarrada ka abaabuli karaan.
Qoraalka Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka oo uu daabacay Wargeyska Long War Journal ayaa lagu sheegay in Mareykanka, AMISOM iyo Ciidamada Soomaaliya ay cadaadis xoog leh saareen Al-shabaab,laakiin Al-shabaab ay wali awooddo in ay weerarro ka geysato gudaha Soomaaliya.
Waribixinta waxaa lagu sheegay in C.I.A-da Mareykanka iyo Milatariga dalkaasiba ay 20kii sano ee la soo dhaafay bartilmaameedsanayeen hoggaamiyayaasha Maxaakiimtii,Ururradii ka dambeeyay iyo Al-shabaab qaarkoodna la dilay.
Waxaa lagu sheegay in Al-shabaab ay hadda maamulaan Gobollo badan oo bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya ah,halkaas oo ay weerarrada ka qorsheeyaan,kuna diyaariyaan.
Waxaa ay wali awood u leeyihiin in ay geystaan weerarrada is qarxinta ah ee Gaadiidka loo adeegsado,Miinooyinka,weerarrada jidadka loo galo Ciidamada iyo qaarijinta.
Inkasta oo Ciidamada AMISOM,Soomaaliya iyo Mareykanka ay culeys saareen Al-shabaab,qaar ka mid ah hoggaankooda dileen,dhinaca kalena dowladda Soomaaliya muujisay dowlad wanaag iyo u dhawaanshaha shacabka haddana waxaa lagu fashilmay in Al-shabab la jebiyo ayaa lagu yiri qoraalka.
Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in Al-shabaab ay ku biirtay Al-Qaacidda Sanadkii 2012kii,hayeeshee hoggaamiyihii hore ee Al-shabaab uu Al-qaacidda ku biiray labo sano ka hor xilliga la shaaciyay,waxaana sababta dib loogu dhigay ahayd talo soo jeedin ka timid Ayman Al-Dawaahiri oo ah hoggaamiyaha Ururka Al-Qaacidda kaas oo sheegay in haddii isla xilliga hore la shaaciyo ay Beesha Caalamka badin karaan cadaadiska iyo dagaalka.