Xuseen Carab Ciise “Guddoomiye Yariisow ha gamban shacabka hortooda ka sheeg magacyada Xildhibaanada…”

0
290

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa ka dalbaday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. Yariisow inuu shacabka Soomaaliyeed u caddeeyo magacyada Xildhibaano uu ku eedeeyay inay damniin u raadinayaan dadkii ka dambeeyay dilkii Axmed Dowlo oo loo gubay fal la xiriira heyb sooc guur.

Qoraal uu bartiisa Facebook ku soo qoray ayuu ku sheegay in Guddoomiye Yariisow ka doonayaan in si aan gambasho alheyn u sheego magacyada Xildhibaanka, isagoo aan kala saarin kuwa arrintan sameeyay.

“Waxaan ka codsanayaa Guddoomiye Yariisow inuu si aan gambasho laheyn u sheego Xildhibaanada magacyadooda, waa nasiib darro iyo aflagaado waa in aad u cadeyso umadda Soomaaliyeed horteeda in golaha shacabka oo dhan oo aanan kala saarin kuwa arrintan sameeyay oo laga yaabo inay dad yar yihiin”ayuu yiri Xildhibaan Xuseen Carab Ciise.

Xuseen Carab Ciise ayaa intaa ku daray “Xaq darada dhacday wa arrin fool xun oo loo adkaysan karin, waxba ha gamban runta, shaqadi lagu igmaday si geesinimo leh ama u qabso….”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay inay jiraan siyaasiyiin iyo Xildhibaano doonaya inay damiin u raadiyaan dadkii ka dambeeyay dilka Axmed Mukhtaar Dowlo oo todobaadkii hore lagu gubay degmada Yaaqshiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here