Qoys Tacsi u taal Aroos Weyn Wax uma taree Agoonta yaan lagu digan!.

0
215

Ma dareemi karo danta ku jirto Aroos weyn oo lagu dul sameeyo Meydka Marxuum Axmed Dowlo AUN oo si bini aadannimada ka baxsan ay u dileen dad Waxmagarato oo aan arxan lahayn.

Ma isweydiisay Musikada iyo bashaalka aad qorsheyneysaan Saameynta ay ku reebi karto qalbiyada caruurta agoontoobay oo aabahood sida xaqdarada ah loo dilay.

Ma garan karo sabab Farxad iyo Xaflad loogu Sameeyo Wiil tacsi u taal oo adeerkiis  Asaga awgiis loo dilay iyo gabar ay hooyadeed xukun sugto tahay oo xabsi u dhax jiifto danbi iyo dil ay geysatay.

Xafladdaha la qorsheynayo ma waxaa loo dhiganayaa Agoontoobida Caruurta qalbigooda dhaawaca culus loo geystay ee isirnaceybka loo muujiyey mise waxaa loogu dabaal dagayaa gabadha Hooyadeed ay xabsiga u jiifto falkii naxariis darada ahaa ee nafteeda iyo sheydaanka ku hogaamiyey.

Ma jirto Sabab Xafladeyn iyo damaashaad u geli karaan Qoyskaas waayo waa qoys dhan walbo ka dhiban oo dhibaato culus soo gaartay , maskaxdoodana ay u baahantahay in la dajiyo looguna duceeyo in alle dhibka gaaray u saqiro.

Waa qasab in Marxuum Axmed Dowlo AUN u helo cadaalad isla markaan xaqiisa looga soo dhiciyaa dadkii ku xad gudubay balse taas macnaheeda ma ahan in Gabarta ay hooyadeed dhibka geystay in ay ku faraxsantahay in ay hooyadeed dhibaato soo gaarto ama la toogto.

Lamaanaha iscalmaday ee guurkooda dartood dhibka u dhacay waxaa la gudboon in ay alle bari iyo duco sameystaaan isla markaana ay dhibka la qeybsadaan ilmaha dartood u agoontoobay.

Cid walbo oo dooneyso in ay lamaanahaas garab istaag u muujiso ha isku daydo in ay buuxiso kaalintii uu baneeyey Marxuum Axmed Dowlo AUN , taageero iyo garab istaagna ha u muujiyaan Agoontii aabahooda sida naxariis darada ah ee xaqdaradda ah loo dilay.

 

W/Q: Abdirahman Gacaltooyo

Email: Abdirahmanhy@gmail.com

Facebook: https://www.facebook.com/abdrahmangacaltooyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here