Faahfaahino ka soo baxaya Haweeney lagu dilay Magaalada Gaalkacyo

0
203

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay halkaasi kooxo hubeysan ay ku dileen Haweenay.

Dilka haweeneyda ayaa la sheegay in  loo adeegsaday Toorey, iyadoo kooxdii dilka geysatay ay goobta ka baxsadeen.

Dadka Degaanka ayaa sheegay in haweenayda iyo kooxda dilka geysatay uu muran dhexmaray, isla markaana ka dibna haweenayda la dilay.

Saraakiisha amaanka gobolka Mudug ayaan weli ka hadlin dilka ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobalkaasi.

Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxay ka mid tahay mid meelaha inta badan dilalka ay ka dhacaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here