Diyaarada Ethiopian airline ayaa sabtidii shalay sameysay duulimaadkii ugu horeeyay ee ganacsi oo udhaxeeya magaalooyinka Muqdisho iyo Adis Ababa mudo 41 sano ah kadib, xili sidoo kale uu aad uwanaagsanaanayo xariirka labadan dale e ku yaal geeska Afrika ee Ethiopia iyo Somalia.
Diyaaradan Ethiopia National Airways ayaa kasoo dagagatay garoonka diyaaradaha ee Aden Adde airport, waxaana ay todobaadkii sameyn doontaa afar Duulimaad oo Muqdisho iyo Adis Ababa ah.
“Waa maalin taariikhi inoo ah kadib markii aan Duulilmaadkii ugu horeeyay ee udhaxeeya Addis Ababa iyo Mogadishu aan sameynay. Ma aysan aheyn arin fudud, marar badan ayaana isku dayaynay, laakiin ugu dambeyn waan ku guuleysanay” sidaas waxaa Xafladii furitaanka duulimaadkan ka sheegay milkiilaha diyaaradaas Abera Lemi.
Diyaarada Ethiopian Airlines oo bishii July mudo 40 sano kadib ah duulimaadkii ugu horeeyay ka sameysay magaalooyinka Addis Ababa iyo Eritrea ayaa haatan sidoo kale safaradeeda ku kordhisay Muqdisho.
Tan iyo markii Ra’isul Wasaaraha da’da yar ee Abiy Ahmed uu qabtay xilka ugu sareeya Itoobiya waxaa jiray isbadalo badan oo uu gobolka ka sameeyay sida inuu la heshiiyay Eriteria , sidoo kalana uu xariir toos ah la geeyay maamulka Madaxweyne Farmaajo
Sidoo kale, Itoobiya ayaa dadaal ugu jirta iney xaliso xiisada Jabuuti iyo Eriteria oo dhibaato xaduudeed ay ka dhaxeyso
Bishii June Abiy Axmed ayaa booqday Muqdisho halkaas oo uu Madaxweyne Farmaajo kala heshiiyay in la xoojiyo xariirka ay leeyihiin.
Somalia iyo Ethiopia ayaa marar badan uu dagaal dhexmaray, waxaana wxyaabaha ay ku muransan yihiin ka mid ah arimaha dhulka.
Sanadkii 2006, Ethiopia ayaa ciidadeeda usoo dirtay Somalia, si ay ula dagaalmaan mdiowga Maxkamadaha Islaamiga ah oo xiligaas xakumyay inta ugu badan Koofurta Somalia gaar ahaan Muqdisho.
Itoobiya ayaa haatan taageero weyn siisa dowladda Somalia, iyadoo ka mid ah howlgalka Amisom.