Madaxweyne Farmaajo Oo Xalay Saqdii Dhexe Kulamo Gaaray Uga Qeyb Galay Marka (Nuxurka Kulamadaas)

0
330

Madaxweynaha Dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulamo Xog wareysi ah la qaatay Bulshada Qeybaha kala duwan Ee Magaalada Marka Cadeey ku dhaqan.

Waxa uu si gaar ah ula hadlay Madaxda Maamulkaasi iyo Shacabka isagoo kaga mahad celiyey gacanta ay siiyeen Ciidanka ka hor bilo oo Magaaladaas laga saaray Al Shabaab.

Madaxweyne Farmaajo oo Xalay ku hoyday Magaalada Marka isagoo la kulmay sidoo kale Waxgaradka Beelaha Habar gidir iyo Biyo Maal oo lix sano kudhawaad Colaadooda Magaaladaas ka jirtay.

Waxa uu ugu baaqay Madaxweynuhu inay ka fogaadaan Dagaal beeleed mar kale kusoo laabta Magaalada Marka Cadeey.

Sidaas si la mid ah Ayuu Madaxweynaha Dalka Mudane Farmaajo uu sheegay in Ciidanka Meliteriga loo baahan yahay dhexgalida Shacabka una dhimriyaan oo aysan ka dhigin mid ay iyagu ka cararaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here