
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ka soo saartay kulankii shalay oo jimco aheyd ku dhex maray magaalada Istanbul Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Turkiga Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Recep Tayyib Erdogan.
Kulankan gaarka ah ee Labada Madaxweyne ayaa waxay kaga wada hadleen sare u qaadista xiriirka labada dal, xoojinta iskaashiga, wadajirka iyo wax wada qabsiga ka dhexeeya labada shacab.
Labada Madaxweyne ayaa isku afgartay in la dardargeliyo kaalinta ay dowladda Turkigu ka qaadanayso amniga, dowlad dhisidda iyo maalgashiga Soomaaliya, iyadoona la isla qaatay in la bilaabo fulinta mashaariic horumarineed oo ay hore u kala saxiixdeen labada dal, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhismaha 10,000 oo guri oo ay Hay’adda TIKA ee dalka Turkigu dhismahooda ka hirgelin doonto magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay Madaxweyne Erdogan horumarka ay Dowladda Soomaaliya ku tallaabsatay muddadii la soo dhaafay iyo yoolka ay hiigsanayso, isagoona adkeeyey muhiimadda xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo ku saleysan is oggolaanshaha labada shacab ee walaalaha ah, danaha iyo aragtiyaha ay wadaagaan labada dowladood iyo taariikhda faca weyn ee ka dhexaysa labada dal.
Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahad celiyey Dowladda iyo Shacabka Turkiga garab istaagga iyo taageerada ay walaalahooda Soomaaliya u muujiyeen wakhtiyadii adkaa.
Dhankiisa, Madaxweyne Erdogan ayaa bogaadiyey dadaallada dowladda iyo shacabka Soomaaliya ay ugu jiraan dib u dhiska dalkooda, isagoona xaqiijiyey in dowladda iyo shacabka dalka Turkiga ay ka go’an tahay in ay arrinkaas ku gacan siiyaan walaalahooda Soomaaliya.
Labada Madaxweyne ayaa isku afgartay qodobbadii ay ka wada hadleen, iyadoo Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisu ay u ambabaxeen dalka Uganda oo ay kulamo kula yeelan doonaan madaxda iyo masuuliyiinta dalkaas.