Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Labadiisa kuxigeen oo shir albaabada u xiran u socda

0
214

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal iyo Guddoomiye kuxigeenada 1aad iyo 2aad C/weli Muudey iyo Mahad Cawad ayaa xilligan kulan albaabada u xiran uga socda Hotelka Paradise ee ku dhegan Hotelka Jazeera.

Kulankan ayaa la sheegay in looga hadlayo xaaladaha ka dhashay Mooshinka laga keenay Madaxweynaha, arrinta Koofur Galbeed iyo arrimo kale oo tabasho ah oo ku saabsan xayiraada la saaray Guddoomiye Mursal.

Sawir laga soo qaaday kulanka oo la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya Guddoomiye Mursal oo labada dhinac ka fadhiyaan labadiisa kuxigeen, ayna dhageysanayaan dad kale oo la hadlayay, balse aan sawirka ka muuqan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Guddoomiye Mursal iyo labadiisa kuxigeen uu wada xaajood u socdo, si caadi loogu soo celiyo xaalada Baarlamaanka iyo kala qeybsanaanta Guddoonka.

Kulankan ayaa imaanaya, iyadoo uu cadaadis uu saarnaa Guddoomiye Mursal, isla markaana la geliyay go’doon hoyga uu degay ee Shabeel oo ku dhow Garoonka Diyaaradaha, halkaasoo Ciidamada ammaanka ay xireen, loona diiday Xildhibaanada inay galaan.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii Guddoomiye Mursal uu qabtay Mooshin xil ka qaadis laga keenay Madaxweynaha, waxaana mooshinkaas uu sababay xaalad siyaasadeed oo dalka mar kaliya uu galay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here