Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku dhowaaqay inuu yahay Musharaxa Madaxweynaha Puntland

0
266

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku dhowaaqay in uu markale u tartamayo xilka Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland kadib shir jaraa’id oo uu ku qabtay dhowaaqay magaalada Garowe.

Madaxweyne Gaas ayaa maanta Garowe kusoo bandhigay waxqabadkiisa waxaana uu codsaday in markale loo doorto xilka Madaxtinimadda maamulka Puntland. Horaanta bisha soo socota ayaa lagu wadaa in ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha Puntlnad magaalada Garowe.

Waa markii labaad ee uu isu soo sharaxo Madaxtinimada Puntland waxana uu ku guuleystey doorashadii ka dhacday Puntland 8deedii  Bishii Koowaad ee Sanadkii 2014 Kii.

Xilka madaxtinimada Puntland ayaa waxaa hore ugu dhowaaqay musharixiin badan balse illaa iyo hadda lama oga musharaxiinta sida rasmiga ah ugu tartami doonta doorashada oo soo buuxin doonta shuruudaha musharaxnimada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here