Wasiirka Amniga Jubbaland oo Taliye u magacaabay howlgalka Xoreynta Jubadda Dhexe

0
334

Wasiirka Amniga Jubbaland C/casiis Janan ayaa magacaabay Taliyaha Howlgalka xoreynta Jubadda Dhexe oo ah gobol degmooyinkiisa oo dhan maamulaan Al-Shabaab.

Taliyaha Xoreynta Jubadda Dhexe ayaa waxaa loo magacaabay G/sare Axmed Jaamac Salaad, kaasoo hoggaamin doona howlgalka ku wajahan deegaanada Jubadda Dhexe, sida Jilib iyo Bu’aale.

Maamulka Jubbaland ayaa todobaadyadii u dambeeyay ku jiray diyaar garow dagaal oo ku wajahan Gobolka Jubadda Dhexe, waxaana dhowaanahan xeryaha ciidamada booqanayay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Qorshaha Xoreynta Jubadda Dhexe ayaa lagu sheegay inay tahay mid Axmed Madoobe ku doonayo inuu xajisto awooddiisa maamul, ka hor inta aan la gaarin bisha Augosto oo ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha Jubbaland, waxaana dowladda Federaalka dhankeeda dadaal ugu jirtaa sidii degmada Bu’aale oo caasimadda Jubbaland ah loo xoreyn lahaa, si ay wado ugu noqoto inay meesha ka saarto awoodda Axmed Madoobe iyo inuu mar kale ku soo laabto Madaxtinimada Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here