Wararkii ugu dambeeyay Soomaali lagu xirxiray Masar

0
275

Wararka ka imaanaya magaalada Qaahira ee xarrunta waddanka Masar, ayaa sheegaya in illaa todobbo qof oo Soomaali ah lagu xirxiray magaalada Qaahira, kaddib markii howgallo ciidamada ammaanka ay halkaas ka sameeyeen xaley.

Dad goobjoogayaal ayaa sheegay, in Soomaalida la xiray ay ka mid ahaayeen 30 qof oo u dhashay waddamo kale lagu soo xiray howgallo ciidamada ay ka sameeyeen xaafada Nasri-City ee magaalada Qaahira.

Dadka la xiray ayaa u badan dhallinyaro ayaa u dhashay waddamada Soomaaliya, Indunisia, Maleysiya iyo dalal kale oo u badan waddamada Aasiya.

Soomaalida la xiray oo u badan dhallinyaro waxbarasho u tagey dalkaas iyo kuwa qaxooti ah ayaa laga qabqabtay xaafada ay Soomaalida ku badan tahay ee Caashir, sida uu sheegay weriyaha VOA ee magaalada Qaahira.

Ciidamada ammaanka Masar ayaa xaley howgallo ka sameeyay xaafado ku yaalla dalka Masar iyagoo beegsanayey dadka aan heesan warqadda degannaaniyaha ee Iqaamada loo yaqaanno.

Jaaliyadda Soomaalida ee deggan magaalada Qaahira ayaa xaqiijiyay in la xiray dhallinyarada Soomaalida kuwaasoo lagu xiray xabsiga koowaad ee xaafada Nasri City.

Sannadkii horre ayaa Soomaali badan lagu xiray dalka Masar kaddib howgalo ciidamada ay ka sameeyeen xaafado ku yaalla magaalada Qaahira.

Sidoo kale, dowladda Masar ayaa Soomaaliya ku celisay tobaneeyo Soomaali ah oo la maxkamadeeyay kuwaasoo lagu eedeeyay in ay sharci darro ku galeen dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here