Sawirro: Ciyaar adag oo dhexmartay Xulalka K/Cagta ee Sacuudiga & Qatar (Yaa badiyey)

0
300

Kulanka xulalka K/cagta ee sacuudiga iyo Qatar oo xiisa gaar ah lahaa, isla markaana loogu magac daray (Blockade Derby) ama kulanka adag ee go’doominta ayaa waxay labada xul ku tartamayeen hogaanka guruubka E ciyaar ka tirsaneyd Koobka Qaramada Aasiya.

Xulka kubadda cagta ee dalka Qatar ayaa 2-0 uga adkaaday dhiggiisa uu xifaaltanka weyn uu ka dhexeeyo ee dalka Sacuudia Arabia.

Almoez Ali oo asal ahaan ka soo jeeda Suudaan, weerarkana uga ciyaara kooxda Qatar, ayaa u dhaliyay labada gool, waxaana xulkaasi gool ku laad ka khasaariyay kabtankooda, Hassan Al Haydos.

Kulanka oo ka dhacay garoonka Mohammed bin Zayed ee magaalada Abu Dhabi, ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee ay labadan xul isaga horyimaadaan tan iyo markii ay billaabatay xiisadda diblomaasi ee u dhaxaysa Qatar iyo dalalka kale ee Khaliijka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here