Wararkii ugu Dambeeyey Aan Helnay: Yaa Lala Eegtay Qaraxyadii Ka Dhacay Deegaanka Siinka Dheer?

0
239

Wararkii ugu dambeeyey Ee Naga Soo gaaray Duleedka Magaalada Muqdisho ayaa hadda waxay kasoo baxayaan khasaaraha ka dhashay Qaraxyadii dhacay.

Labo Qarax ayaa waxa lala Eegtay Ciidanka Dawlada kuwaas oo marayey Deegaanka Siinka Dheer Ee Duleedka Muqdisho.

Qaraxyada ayaa midkood waxa uu haleelay gaari Cabdi bile ah oo ciidanka Dawlada la socdeen,iyadoo rasaas askarta la weeraray ay fureen.

Miinooyinka dhulka la geliyo ayaa la sheegay inay Qaraxyada ahaayeen,taas oo la leeyahay waxa lagu khaarajin rabay Sargaal Katirsan Meliteriga Oo Lagu magacaabo Foor foor.

Sargaalka la beegsaday waa uu ka bad baaday Qaraxyada waxaana ku dhintay Hal Askari oo ilaalada u ahaa,mana jirin khasaaro kale oo ka dhashay.

Al Shabaab oo sheegtay Mas’uuliyada Qaraxyadaas waxay xaqiijiyeen in Sargaalkaasi Foor foor la yiraahdo lala eegtay uuna ka bad baaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here