Al Shabaab oo sheegatay Masuuliyada dil saakay ka dhacay Muqdisho

0
345

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa saakay Xaafada Al Baraka ee degmada Hodan waxa ay ku dileen nin la sheegay in uu katirsanaa Shaqaalaha Wasaarada Arimaha gudaha iyo federaalka ee dowlada Soomaaliya.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in rag hubeesan oo kooxdooda katirsan Xaaafada Al Baraka ku dileen nin lagu magacaabo Cabdi Madoobe oo Al Shabaab sheegeen in uu katirsanaa saraakiisha Wasaarada Arimaha gudaha.

Ragii dilka ka geestay xaafada Al Baraka ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana dilka kadib goobtaasi gaaray ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya oo baaritaano ka sameeyay halka dilku ka dhacay.

Al Shabaab ayaa dilal qorsheesan ay ku beegsadaan shaqaalaha dowlada iyo ciidanka waxa ay ka fuliyaan magaalada Muqdisho, waxaana inta badan baxsada raga hubeesan ee dilalkaasi fuliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here