Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Bangiga Horumarinta Afrika kala hadlay arrimaha deyn cafinta

0
61

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ee Soomaalia Dr C/raxmaan Ducaale Beyle oo ku sugan Magaalada Abidjan ee Dalka Ivory Coast ayaa kulan la qaatay Guddoomiye kuxigeenka Bangiga Hormarinta Afrika waxay kaga wada hadleen sidii Bangigu dhinacyo badan uga taageeri lahaa Soomaaliya iyo doorka ay ka qaadan karaan dadaalada Deyn Cafinta Soomaaliya.

Socdaalka Wasiir Beyle ayaa  ujeedadiisu aheyd sidii uu Madaxda Bangiga Hormarinta Afrika ula wadaagi lahaa Hormarka Maamulka Maaliyada Soomaaliya laga saameyey iyo kor u qaadista dakhliga gudaha dalka.

Khaalid Shariif oo ah Madaxweyne Kuxigeenka Bangiga Hormarinta Afrika ayaa soo dhaweeyey sida ay Soomaaliya uga go’antahay inay ka waqti kooban kaga gudubto dhibaatooyinkii dhaqaale ay lasoo kulantay muddadii Burburka, waxa uu xusay sida ay dhankoodu ugu heelanyihiin inay Soomaliya ka gacan, sidii Deynta looga cafin lahaa.

Wasiirka Maaliyadda Dr C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa dhawaan Magaalada Washington kaga qeybagalay shirkii sanadlaha ahaa ee Hay’adda lacagta Aduunka  iyo Bangiga Aduunka, halkaas oo uu wasiirku kulamo kula yeeshay madaxda labada Hay’adood uu kala hadlay sidii Soomaaliya looga Cafin lahaa Deymaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here