Xarakada Islaax oo baaq ka soo saartay gurmadka fatahaada wabiyada

0
64

Xarakada Islaax ayaa baaq degdeg ah ka soo saartay gurmadka fatahaadaha ee loo fidinayo shacabka Soomaaliyeed oo ay saameynta ku yeelatay fatahaadaha.

Qoraal ka soo baxay Xarakada Islaax ayaa lagu sheegay in xarakada ay la murugooneysa shacabka ay fatahaaduhu saameeyeen gaar ahaan magaalada Beledweyne.

“Waxaan ugu baaqeynaa hay’adaha samafalka kuwa  wadaniga iyo kuwa caalamiga ah,Qaramada Midoobay iyo dhammaan beesha caalamka inay gaarsiiyaan gurmad mug leh la gaaraan shacabka ay fatahaaduhu saameeyeen,”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xarakada Islaax.

Ugu dambeyntii qoraalkan ayaa loogu baaqay dowlada federalka iyo dowlad goboleedyada inay la yimaadaan qorshe cad oo loogaga hortagayo dhibaatooyinkan oo kale inay ku soo laablaabtaan dalka.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka ka soo baxay xarakada Islaax;

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here