Roobab ayaa ka curtay qaar ka mid ah goboladda Soomaaliya, waxaana roobabkaasi qaarkood ay ka da’een meelo ay ka jireen maalmihii lasoo dhaafay kuleel daran.
Meelaha roobab wanaagsan ka curteen waxaa ka mid ah Gobolada Mudug, Awdal ,Galgaduud, Togdheer iyo Sool.
Qaar ka mid ah dadka kunool degaano ka mid ah goboladaasi ayaa Risaala u sheegay in meelaha qaarkood ay ka hoortay raxmadda eebe.
Curashada Roobka Gu’ga ee ka bilaabmay gobolada ayaa ku soo beegmay xilli Goobo ka mid ah goboladaasi laga soo sheegayo biyo yaraan.
Roobkan ayaa sidoo da’ay xilli ay Dadweynuhu ka cabanayaan kulayl, inkasta oo lagu jiro bisha March oo Cimilada Geeska Afrika isku beddesho kulayl, maaddaama oo Cirku tusan yahay.