Ciidamada xoogga dalka oo dhowaan la wareegay deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa duulaan ku ah deegaano cusub oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.
Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in inta badan amniga deegaanka Janaale ay xaqiijiyeen, isla markaana qorsheynayaan inay u gudbaan deegaanada kale ee gobolka shabeellaha hoose.
Wararka ayaa intaa ku daraya in duulaanka xiga ay Ciidamada qaadayaan uu ku wajahan yahay deegaanada Sablaale iyo Kuntuwaarey, waxaana qorshaha ugu weyn ciidamada yahay sidii ay ula wareegi lahaayeen degmada Kuntuwaarey oo ah degmada kaliya ee ka maqan gacanta ciidanka dowladda oo Al-Shabaab maamulaan.
Dhinaca kale Ciidamada xoogga dalka ayaa howlgallo ka sameeyay inta u dhaxeysa Janaale iyo Buufow, waxaana howlgalkaas isugu jiraa miino baaris iyo xaqiijin amniga wadadaas, si ciidamada ugu soo maro saadka iyo sahayda.
Intii ciidamada howlgalada ka wadeen ayaa waxaa lala eegtay qarax miino, waxaana Al-Shabaab ay sheegatay inay ku dileen qaraxaas illaa 7 askari.
Todobaadkii hore ayay aheyd markii ciidanka xoogga dalka oo taageero ka helaya Ciidamada AMISOM iyo Ciidamo mareykan ah la wareegeen deegaanka Janaale, waxaana howlgalkaas uu qaatay maalmo.