Dhuusamareeb iyo Cadaado oo isu diyaarineysa soo dhoweynta Farmaajo iyo Axmed Madoobe

0
159

Magaalooyinka Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug iyo magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa maanta oo Sabti ah isku diyaarinaya soo dhoweyn kala gaar ah.

 Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa gelinka dambe ee maanta ku soo wajahan magaalada Dhuusamareeb, halkaasoo uu kaga qeyb galayo shirka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Qaban qaabada lagu soo dhoweynayo Madaxweynaha ayaa si weyn looga dareemaya magaalada Dhuusamareeb, waxaana Madaxweynaha socdaalkiisa ku wehliya Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mahdi Guuleed.

Sidoo kale magaalada Cadaado ayaa iyana waxaa ka socota qaban qaabo lagu soo dhoweynayo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo ka soo kicitimid doona magaalada Garowe oo uu maalmahan ku sugnaa, halkaasoo uu kaga qeyb galay aaskii Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi.

Axmed Madoobe ayaa la sheegay inay taariikh ku leedahay Cadaado oo uu yarraantiis ku noolaa, aabihii caan ka ahaa, kana ahaa Sheekh, martiqaad qaas ah ayaa isaga iyo wafdigiisa loogu sameynayaa Cadaado, kadibna safar dhulka ah ayay ugu soo ambabixi doonaan Dhuusamareeb.

Socdaalkiisa todobaad ka hor uu ku yimid Dhuusamareeb, ka hor inta aanu ka qeyb gelin shirkii Madaxda dowlad Goboleedyada ayuu ku balan qaaday inuu Cadaado tagayo oo isagu yahay reer Cadaado.

Arrimaha xiisaha u yeelaya safarada maanta isku soo aaday ee Madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe ku tagayaan Dhuusamareeb iyo Cadaado ayaa ah khilaafka siyaasadeed ee labada dhinac u dhaxeeya, iyadoo shirka ka furmaya Dhuusamareeb markii u horeysay muddo kaddib isku soo hor-fariisan doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here