Howlgalo ay sameeyeen Ciidamada Nabadsugidda Jubbaland oo ay ku qabteen waxyaalaha qarxa

0
99

Ciidanka nabadsugida iyo Sirdoonka maamulka Jubbaland ayaa howlgalo ay ka sameeyeen deegaano kamid ah gobolka Jubbada Hoose waxa ay ku soo qabteen waxyaalaha qarxa.
Sidoo kale howlgaladan ayaa lagu soo qabtay labo ruux oo lagu eedeyay inay ka tirsan yihiin ururka Alshabaab.

“Ciidanka Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubbaland ayaa hawlgallo ay sameyeen 24-saac ee la soo dhaafay waxaa ay ku fashiliyeen keyd bambaanoyin iyo miino oo ay Al-Shabaab ku duugteen Xaafada Shaqaallaha gaar ahaan aaga suuqa sariiraha” ayaa lagu yiri war kasoo baxay taliska.

Ciidanka Nabadsuggida Jubbaland ayaa sidoo kale xusay in ay qabteen labo xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab ka dib howlgal ay ka fuliyeen degaanka Yoontooy.

Magaalada Kismaayo ayaa dhowaan waxaa lagu weeraray bam gacmeed goob maqaaxi ah iyadoo weerarkaasna uu geystey qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here